Qarax Khasaara Dhaliyay oo Ka Dhacay Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

0
560

 

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah qarax khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday magaalo kaabiga ku haysa xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ka imaanaya degmada Beled Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax  xoggan uu ka dhacay gudaha degmada oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka JUBALAND oo kaashanaayo ciidamda Itoobiya Iyo Kenya.

 

Qaraxa wuxuu ka dhacay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaatka dowladda Federaalka ee ku sugan gudaha degmada wuxuuna sababay khasaara kala duwan.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhintay hal askari tiro kalane waa ku dhaawacmeen oo ah maleeshiyaatka dowlada federaalka kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka magaalada Beled Xaawo.

Markii qaraxu dhacay kadib ayay ciidamo Katirsan kuwa maamulka Beled Xaawo waxay isku fidiyeen goobta iyagoona raafay dad shacab ah oo ay ku eedeeyeen in ay wax ka ogaayeen qaraxa askarta lala beegsaday.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii qarax ka dhacay deegaan dhaca duleedka degmada Beled Xaawo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro askar Kenyaati ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here