war cusub: jawaari oo beesha caalamka u dhiibtay sii hayaha xilka madaxweynaha soomaaliya.

0
699

Xog gaar ah oo ay heshay Humbaale News  sheegeya in beesha caalamka ay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari maanta ugu yeertay sii hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Jawaari oo maalmahan kulamo la lahaa wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta mar kale la kulmay, waxaana ay ka wada-hadleen arrimaha doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ilo-wareedyo ku sugnaa kulankii maanta oo Humbaale News la Hadlay ayaa xaqiijiyey in wakiilada beesha caalamka oo uu ku jiro Michael Keating ay marar badan Jawaari ugu yeereen “Mr. Acting President” ama “Mudane madaxweynaha KMG”, intii uu socday kulankii maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.