Daawo sawiro: Horumarka wax barashada Garbahaareey. Xagee marayaa Dhismaha Iskoolka Al-anwar

0
651

waxaa sanadihii lasoo dhaafay xooli ku socday hor u kaca wax barashada ka jirto Garbahaareey. Waxaa soo badanayay iskoolada hoose iyo kuwa sare. iskooladaan ayaa inta badan ku bilowdo guryo kiro ah ka dibna u wareego dhismayaal ay iyagu leeyihiin. Waxaa hadda kusoo biirayo iskoolada dhismayaalka yeelanayo iskoolka sare ee Al-anwar oo mar noqday iskoolka ugu tayada badan gobalka Gedo. Al-anwar ayaa muddo shan sano ah ku shaqaynayay guri kiro ah aadna cariiri ugu ah taasoo caqabad ku noqotay balaarinta iskoolka. Balse waxaa sanadki hore bilowgiisi u istaagay sidii dhisme loogu heli lahaa iskookla maamulka iskoolka oo kaashanayo hay’ahada Himilo Trust oo ah hay’ad ka shaqayso horumarinta wax barashada.

waxaa Alle suura galiyay inay lagu guulaystay in maal galin iskoolka looga helo dhismaha iskoolka hay’ada IOM. Qorshaha lagu helay maalgalintaan ayaa waxa iska kaashday maamulka iskoolka, hay’ada Himilo Trust iyo maamulka dagmada oo uu markaas madax ka ahaa mudane Nuur sheekh Maxamed Buraale. Hadaa waxaa meel fiican marayo dhismaha iskoolka waxaa lagu wadaa in lagu gababeeyo muddo sadex bilood ah. Hoos ka daawo sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here