Talo ku socoto Madaxweynaha soo socdo:

0
570

waxaa dhawaan la filayaa in la doorto madaxweyne. wuxuu noqon karaa madexweyne nagu cusub ama madexweyne xasan oo dib loo soo doorto. Kuu noqdaba waxaan ka filaynaa wax ka wanaagsan sidii hore. sidaa darteed waxay iila muuqatay inaan hawada usii mariyo talo si inta aysan wali kurisga soo gaarin usii arkaan waxaan ka filayno.

Waxaan ka filanaynaa madaxweynaha cusub lagu soo doortay si dimuqraadiyad ah asaga oo ka helay 329 xildhibaan 275 aqalka hoose 54 aqalka sare waxayna siindoonaan codkooda kaas oo ah Bad baado qaran iyo Soonoolaynta jiritaanka magaca Soomali iyo soomaliya sidaas darteed mudane madaxweyne waxaan kaa rabnaa inaad qabato Arimahaan soo socdo:

1) dhisida Hey’adaha dowliga io u hogaansan nidaamka dowladnimo.
2) xasilinta Amniga Adiga Oo Umaraayo Habab kala duwan .
3) kor u qaadida dhaqaalaha .
4) xasilooni siyaasadeed .
5) Hal abuur shaqo dhamaan dhalinta wax baratay shaqa la’aantana hayso.
6) kor uqaadida maxkamada dalka dhan aqoon , dhan cadaala iyo ka warqab joogta ah.
7) ciidan qaran una adeego danta dalka dadka io diinta.
8) inay soomaliya isku tashato xaga dhaqaalaha wax soosaarka iyo dhiiri galin balaaran.
9) dulmi diid iyo daacadnimo.
10) Sinaan iyo midnimo.
11) wadaniyad iyo hal abuurnimo.
12) dib usoo celin dhamaan hantida qaranka mid gudaha ah ama mid dibada ah.

Dardaarankaan maahan mid cusub. balse waa mid ay dhamaan musharixiintu sheegayaan inay samayn doonaan hadii la doorto. muhiimada hadalkayga ayaa ah inaan madexweynaha cusub aan ka filayno fulinta waxa uu balan qaaday ee uusan u qaadan inaan meesha ku ilownay oo aanan dib u xasuusan doonin.

W/Q: Cumar Maxamed Xasan. Sanka

Email: xamadiyo141@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here