Waa qofta ugu dulqaadka badan dunida, uguna naxariista badan, waxay ila soo qaadatay waqtiga noloshayda intii ugu muhiimsanayd, waxaan ku soo dhex noolaaday caloosheeda, waxaan la qaybsaday cuntada ay cunto, waxay habeenno badan ka jiifi wayday laadka aan caloosha kaga dhufto, waxay rafaad u martay inaan ka soo dhex baxo, waxay dhabta igu haysay iyadoo qof walba uu qayladayda ka cararayo, waxay isiisay naaskeeda, waxay In badan usoo jeeday inaan aniga qof noqdo.
Noloshayda waa qofta ugu saamaynta badan codkeeda markaan maqlana aan dareemo naxariis iyo jacayl, Waa qofta kaliya ee inay I dhiiri galiso maahee aan waligay niyad jab kala kulmin, waana qofka aan ugu jeclahy dunidaan.
Hooyaday sifooyinkaas ay leedahay oo dhan waxay kala mid tahay dumarka kale, Dumarka nagama mudna in la dhibo, nagama mudna in la dhibaateeyo, nagama mudna in la caayo iskabadaa in la dilee.
Dhib walba oo qof dumar ah ku yimaada waxan oga danqanayaa sida in ay ku dhacday Hooyaday, Walaashay amaba Xaaskayga, hadii ay dhacdo in qof dumar ah ay dhib gaysatana waxaan wax ugu tilmaamayaa sida aan hooyaday wax ugu sheego oo kale anigoo madaxa hoos u dhigaya indhahana isku haysta dareensiinayana meesha ay igaga taal iyo abaalka ay igu leedahay
Hooyaday Waan Jeclahay Dumarkana waa iyadoo la ii badiyay.
Abdalla Wali
Garoowe
Awliyoo21@gmail.com