Q.Midoobe oo Sheegtay in AMISOM iyo Dowladda Federaalka Ay 92 Qof Shacab ah Ku Dileen Koonfurta Soomaaliya.

0
514

Warbixin cusub oo kasoo baxday waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in ciidamada  AMISOM iyo maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay gabood fallo daran ka geysteen dalka Soomaaliya.

Q.Midoobe waxay sheegtay in afar bilood gudahood ay Ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka DF-ka ay Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ku dileen illaa iyo 92 qof oo dhammaantood ahaa shacab aan hubeysnayn.

Dadka dhintay 55 kamid ah waxaa siyaaba kala duwan u dilay maleeshiyaad hoos taga dowladda Federaalka halka 37 kamid ah ay dileen ciidamada AMISOM ee Q.Midoobe qudheeda ay maalgeliso.

Warbixintan kasoo baxday Q.Midoobe ayaa si kulul loogu eedeeyay Hoggaanka DF-ka oo aan xil iska saarin sidii ciidamadooda ay u nidaamin lahaayeen.

 Ciidamada AMISOM  ayaa xasuuqa ugu daran ka geystay gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo 30 maalmood gudahood ay ku dileen 37 qof, xasuuqa ugu daran ayaa ka dhacay deegaanka Calamada halkaasi oo gaadiidka shisheeye jiireen 18 qofood.
Dhacdooyinka kale ee xanuunka badan waxaa kamid ah xasuuqii duleedka Qoryooleey oo ciidamada Uganda ay ku gubeen gaari hoomeey ah iyo dadkii la socday, deegaanada Wareermale iyo No.50 iyana waxaa ka dhacay xasuuq dad badan lagu dilay.

Degmooyin katirsan gobolka Banaadir ayaa kamid ah meelaha ciidamada AMISOM ay dad shacab ah toogasho iyo gaari jiirsiin ay ku dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here