TUBTA TOOSAN:- Xadka Qaynuuniga ah iyo Suxufinimada Soomaaliya maxaa kala haysta?

0
581

 

Xadka Qaynuuniga ah;- Xaq ayuu u leeyahay qof kasta in uu si madaxbanaan u cabiri karo Ra’yiiisa una faafin karo,taasi waxay ka midtahay Xuquuqda aadamiga ah ee caalami ahaan la wada aqoonsanyahay.

Macnahu ma,ahan markii sidaas la leeyahay in dadka lo ogolyahay in Ra’yigooda iyo afkartooda ay u cabirkaraan si xadka aadamiga ah dhaafsiisan.taasi wadamda sharcigu ka jiro waxaa lagu mutaystaa ciqaab Maxakamadeed hadii dacwad lagu so oogo.

Qofka kasta wuxuu Muhiim ah in sharciyada Deegaanka u ku noolyahay ama u joogo aqoon fiican u leeyahay hadii uu yahay shacab iyo saxafi intaba ,taasi waxay qofka uu suurta galinaysa in uusan ka tilaabsan xaduuda sharcigu u xadaynayo.

Wadanka kasta markii Dowlada ka jirta laga so tago waxaa ka jira Ururo kal duwan,kuwaaso u shaqeeya dadka isku danta ah ee ku bahoobay ururkaasi samaytana xeer ixtiraamaya sharciyda dalkooda u degsan.

Hadii tusaale u so qaadano waddankeena Soomaaliya Ururada Saxaafadeed ee ku jira mid qaran mid Degaan’ba waxaa meelaha ay ka shaqeeyan Maamulka ka jira u damaanadqaadan in ay ixtiraamayan sharciyada degsan ee xad kudubka ku ahayn Xoratul qowlka,Dowladana aysan wax faraglin iyo galaangalan ku yeelan shaqada saxaafada iyo Madaxbanaanideeda.

Haddaba maxaa keena hadii uu sharcigaasi u jiro in maalinkasta aad maqshid wariye ayaa la xiray amma idaacad hebal iyo Dowlada ayaa ishaya? ………………..Ma,ahan ciladu Dowlada iyo Ururada warbaaahinta ee waa Suxufinimada Soomaaliya ka jirta.

Suxufinimada Soomaaliya :-Soomaaliya waxaa aad ugu badan in qof waliba iska sheegto suxuf isagoona aan lahayn Aqoon sal balaaran, soona marin Tobobar Warbaahineed ,Ruqsadna aanan ka haysan Dowladda amma Ururada Saxaafaada ee ka shaqeeeya Dalka soomaaliya.waxaa inta badan dhacda in qofkaasi uu qoro amma faafiyo waxa allaale wixii uu doono.

Xirfada saaxafadu dunida kale waxay ka mid tahay Mihnadaha la barto sida Dhaqtarnimada,injeernimada,darawalnimada iyo Macalinimada,markaad xiraf sheegaynso waxaa muhiim ah inaad taqaanid Aqoonteeda,una leedahay waayo aragnimo.ka waran hadii qof aanan dhaqtar ahayn uu ku dhaho jiradda ku haysa waan ka daweynayaa amma aad raacdiid gaari uu wado qof aanan darawal ahayn.khatarta aad kala kulmi kartid intee le’egtahay?

Suxufiyiinta soomaaliya intooda badan waxay ku shaqeeyan xirfad aanan lahayn,waxbarasho sare,tababar-xirfadeed iyo masuuliyad damaanadqaad .kaalinta saxaafada iyo Suxufiyiinta oo dunida kale muhiim ka ah,soomaaliya wey ka liidata.

Soomaaliya hay’adaha warbaahineed ee ka jira waa yaryihiin mid uu tafatirahoodu shaqada uu si sax u qabto,waana sababta Wariyaasha ka shaqeeya Maalin walba u sheegan Amma u qoraan waxaa allale wixii ay doonan ,khaladaadkaasi ka dhacayo oo ah kuwo magac dila qof aanan danbi lahayn,kuwa faafiya warar aan sugnayn,kuw keena iska horimaad,khalkhal amni iyo sharciga oo lagu tunto.

Xirfadyahanka suxufiga ah wuxuu sii fahanyahay wax yeelooyinka ka imaan kara xirfadiisa hadii uu si khaldan u adeegsado,mar waliba waxa uu dhowra Anshax warbaahinta iyo xeer dhaqameedka deegaanka uu ku noolyahay.

Suxufiyiintu waxay saameyn ku leeyihiin ra’uyul-caamka guud ee dadweynaha iyo miisaan ka bulshada dhexdeeda,waxaa fudud aaminaad dadku ku qabaan marka uu so qoraan war ama ka sheegan hay’adooda warbaahineed.

Soomaaliya qofkii raba in u dhaxgalo saxaafada oo noqdo suxufi isagoona tobobar saxaafadeed so qaadan,caadi ahaan wuxuu la xiriira qof ay wax isku yihiin kaaso markiiba u ogalaada in uu makarafoonka uu horay ka qaato,waxaa dhacda in qofkaasi aragtida uu qabo uu ku dabakho faafinta wararka.

Waxaa xusid Mudan in Wariyaal badan oo soomaaliyeed ay leeyihin awood weyn oo dhinaca wax qorista iyo baahinta ah,kuwaaso tobobaro warbaahineed ka helay xarumihii ay ku shaqo bilaaben kadibna aqoontooda saxaafadeed ka kororsaday Macaahid iyo laamaha saxaafada ee jaamacadaha ku yaal gudaha iyo dibada dalka,kana so shaqeeyay wadamo la xadiday habka lagu noqo karo saxafi.

Haddaba saxafiyiintaas aan sheegyo waxay leeyihiin tilmaamahan waxaana la yiraahda ama loogu yeeraa Saxafiga wanaagsan
Saxafiga wanaagsana wuxuu Dadka u sameeya wargalin,waxbaris iyo Madadaalo.wargalintiisu waxay noqota mid xaqiiqa ah oo dadka ka caawisa inay ku fakeraan waxa sida gaarka u bulshadooda u waxyeelayn kara.

Waa yar yahay qof maalinkii intuu so tooso habeenkii seexda isagoo aanan warbaahin adeegsan.dadka firfircoon waxay warbaahinta u adeegsadaan inay ku hormariyaan Xirfadooda,fikirkooda saliimka ah iyo Aqoontooda.kuwani waxay ku tiirsanyihiin waa saxafiga wanaagsan.

saxafiga wanaagsan wuxuu mar walba tagaa meelaha dhacdooyinku dhacaan deegaanka u ku noolyahay hadii aysan khatar ka jirin iyo meela lagu wargaliyo in war uu ka jiro,taaso u sahasha in uu baahiyo war ku salaysan Xaqiiqada.

Saxafiga wanaagsan waa midka kala saara xogta u so uruuriyay isagoo kaashanaya aqoontiisa saxaafadeed lana wadaagaya tafatirihiisa amse Agaasimhiisa,mar waliba kama caajiso in uu dabogal iyo baaritaan ku sameeyo sheekooyinka uu maqlo.

Saxafiga wanaagsan waxuu sheekooyinka ka dhex abuura waraysiyada uu qaado,qodob sheeked qoraalo iyo faalooyin macno ugu fadhiya dhagaytiyaashiisa,daawayaashiisa amma Akhristayaashiisa.

Saxafiga wanaagsan ma,ahan mid ku dag daga faafinta wararka ay la wadaagan ama u so diraan dadka Xiriirka wada shaqeeneyd uu ka dhaxeeyo ilaa uu ka hubiyo xaqiiqdeeda una helo cadaymo hadii la qabsado uu hadhow uga fakan karo sharciga lo cuskanayo.

Saxafiga wanaagsan mar waliba waxaa uu dhawraa hogaanka jidka warka loo maro oo ah in uu sameeyo sugnaasho,adeegsado erayo jilicsan,taaso ay xiiseeyaan dadka ku xiran isaga iyo Hay’ada warbaahineed uu ka shaqeeyo.waana shaqadii tafatirka oo u fududeeyay.

Saxafiga wanaagsan marka uu samaynayo war ama sheeko waxaa u dadka ehelka u ah Xog uruurintiisa weydiiya su’aalo laga so tuujiyay maskax fiyow,taaso sheekadiisa u noqoto mid sii xoojisa.

Saxafiga wanaagsan waxa uu marwaliba uu jeedkiisu yahay in warkiisa uu ku saleeyo xaqiiqada,sona bandhigo fikrado madaxbanaan oo la xiriira dhacdooyinka,isagoona aanan ku darayn dareenkiisa kana madaxbanaaneyna fikirkiisa iyo waxa uu aamnsanyahay.

Saxafiga wanaagsan waa midka u dhaxeeya dadweynaha iyo dowlada.bulshadana uga jira door muhiim ah,waxaana uu waqti amma cod siiya ra’yiga dadweynaha su’aalaha ay qabaan,isagaaona u sharaxa howlaha kala duwan ee dowlada qabtey iyo kuwa ay damacsantay ee u qorshaysan.

Saxafiga wanaagsan ma ahan mid muhiimad siiya oo taageera aragti koox qura ay qabto ,waa midka dadka kala aragtida duwan isku keena si bulshoweyntu u ogaadan kala duwanasha dad kala aragtida duwan uskuna kala raacan sida aysku aragtida u yihiin,si qof waliba u helo waxa u madan yahay..

Saxafiga wanaagsani waa midka mar waliba diirada saara wararka dadweynuhu u baahanyihiin si ay uga fikiraan arimaha siysaasada,dhaqaalaha iyo dhaqankaba,kuwaaso si gaar ahu uquseeya danoohada nolosha.

Saxafiga wanaagsan waa midka daneeya oo dareenka abuura,sona bandhiga waxyaabaha bulshada aadka u khuseeya,isagoo hadba xiiseyna in dhaqso u ku ogaaddo arimaha uu horay u tabiyay si ay dadweynuhu ula socdaan haba halka ay wax marayaan.

Saxafiga wanaagsan waa mid ku xiran bulshada una so bandhiga wararkiisa si ugu fudud ee lo fahmi karo,wuxuuna mar walba awood u leeyahay dardargalin shaqadiisa warbaahineed.isagoona aragti dheer isticmaalaya.

Saxafiga wanaagsan waxaa uu leeyahah hab tabin amma hab dhigaal fiican oo isku kalsoonaan ay ku jirto waana mid uga fiican-yahay,kuwo badan oo ka cod macaan ama ka waayo aragsan.

Gobogabadii,waxaa laga yaaba in Saxafiyiin badani qoraalkeyg u fahmaan inaan iyaga si gaar ah u dhaliilayo lkn taas ma,ahan isweydiin sax qoraalkeygu wuxuu jaawabo u yahay su,aalo badan oo dadku i weydiiyaan markii aan kulano,taaso jawaab sax ah aan u waayo mararka qaar kood.

Tan labaad Qormadan oo kaliya ma,ahan arimaha aan rabo inaan ugu hadlo barnaamijkeyga tubta toosan oo ah waddada saxan ee shaqada Saxaafada,waxaa jira kuwo kale oo aan so gudbin doono hadii warbixinta muuqaalka iga taagteran Muqaal baahiyaasha soomaalida waxaan so saarioona iyagoo muqaalo ah xili aan fogeyn..

waxaa jira Su’aal ay aad dadku iiweydiyaan oo ah maxay saxaafada Puntland ugu hooseysa kuwa kale ee soomaaliya ( Puntlannd waa Deegaanka ana wariyaha ka ahay).jawaabta su’aashaasi ma,ahan mid xiligan aan cod dheer ku sheegikaro lkn waxaa dhici-karta in Dadka mar waliba i weydiiya ay qoraaladeyda ka fahmaan-doonan………..

Fadlan hadii aad wax iga khaldamay iga saxaysid Ama waxa igu siyaadinaysid igala so xiriir:-
+252907762638 AMA abaadir81@gmail.com barteyda faceboogan waa Abaadir Cabdulqaadir Cilmi Mahadsanidiin dhamaantiid.Tubta toosan taageer si tayada warbaahinta soomaalidu kor ugu so kacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here