Ciidanka Burundi oo laxaqiijiyay in soomaaliya ay sii joogayaan.

0
525

Madaxda Midowga Africa iyo Dowlada Burundi ayaa markii ugu horeysay heshiis ka gaaray khilaafka ku aadan bixinta mushaaraadka Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Madaxda Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika, Smail Chergue ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xubnaha wada hadalka la galay Dowlada Burundi.

Mas’uulkan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Midowga Afrika iyo Madaxda Dowladda Burundi ay ku heshiiyeen in Ciidamada Burundi aysan ka bixin gudaha Soomaaliya.

Waxuu sidoo kale sheegay in Ciidamada Burundi ay baaqi ku sii ahaan doonaan Dalka Soomaaliya, ayna sii wadayan howlgallada ka dhanka ah Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Dhawaan ayee aheyd markii Madaxweynaha Dowladda Burundi Pierre Nkurunziza uu ku hanjabay in Ciidamadiisa uu kala bixi doono Dalka Soomaaliya hadii aysan helin mushaaraadkooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here