Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Duleedka afgooye.

0
777

 

Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Duqeymo xoogan Xalay ay ka dhaceen Degaano Duleedka ka ah Degmada Afgooye.

Duqeymahan ayaa Diyaarado Dagaal waxey ku beegsadeen Degaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo ku yaalla Duleedka Degmada Afgooye.

Degaanadan ayaa la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Xoogaga Al Shabaab.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in ay maqlayeen daryanka garneello dhowr oo u muuqday in lagu garaacayay Xarumaha Al Shabaab.

Weli lama shaacin khasaaraha guud ee ka dhashay Duqeynta la tilmaamay in ay ka dhacday Gobolka Sh.Hoose.

Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in inta badan ay Duqeymo xoogan oo lagu beegsanayo Saraakiisha Al Shabaab ka fuliso qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.