Shariif cabdi waaxid Shariif cabdi nuur saxardiid oo ahaa madaxii hore Ee warfaafinta Ee culimaa’udiinka alhusuna wajameecaa Ee Gobolka gedo haatana ah duqa degmada baardheere ayaa maalmaha soo aadan ku sii jeeda magaladaasi Isagoo safaro isugu jiray shaqooyin iyo mid caafimaad uu kujoogay wadanka Kenya gaar ahaan magalada Nairobi
Duqa ayaa balan qaaday in uu wax kaqabn doona Xaalada abaareed iyo mida amni Ee haatan deegaanka kajirta Isagoo sheegay intii uu kugnaa kenya uu la kulmay dhinacyo badan oo arimaha gar gaarka qaabilsan kalana hadlay
Tageerada dadka ay abaartu saamaysay
Ugu dambayn duqa degmada baardheere Shariif cabdi waaxid Shariif cabdi nuur saxardiid ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in umada soomaaliyeed ay illahay barido si uu uga saaro abaaraha iyo colaadaha gaamuray.
Khadar maxamed siraad Humbaale News agency South west of somalia.