waxaa dhamaan Soomaaliya oo dhan laga soo sheegayaa abaarta diirato oo dad iyo duunyaba halakaysay. Roobki dayrta oo la waayay iyo gugi ka horeeyay oo aanan si fiican u di’in ayaa keenay in abaart gaarto dhamaan gayiga soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa ku jira gacmaha guumaystaha itoobiya iyo kenya. Meelaha sida xogan abaaruhu u saameeyaan ayaa waxaa ka mid ah gobalka Gedo. Inkastoo meelaha qaar xooga roobab ah ay ka da’een, meelo badan oo ka mid ah gobalka Gedo ayaanan roob tif ka dhihin. Meelaga ugu daran ayaa waxaa ka mid ah degaanada daawo oo intuu lagu jiray xilli roobaadka kulayl iyo abaar looga kla cararay.
Daaqa la waayay ka sakow abaartu waxay samaysay wabiyada maro gobalka Gedo, iyadoo wabiga daawo uu engagay intiisa badan sida aad ku arki kartaan sawirada hoose. waxaa socdo dadaalo logu gurmanayo dadka abaaruhu saameeyeen, balse baaxada baahida jirto ayaa ah mid uusan aadane wax ka qaban karin. Wali wax gurmad ah lagama hayo maamulka Jubbaland oo masuul ka ah deganada abaaruhu aafeeyeen, mana muuqato madex u taagan yaraynta qasaaraha ka dhalan doono abaarahaan.