Xaflad dib loogu furayey hotel SYL oo gudaha hotelka lagu qabtay.

0
586

Waxaa Cawa Xaflad si heer Sara ah loosoo agaasimay islamarkaana ay kasoo Qayb galeen masuuliyiin kala duwan lagu qabtay hotel SYL xafladaa oo ah mid dib loogu furayey hotelka.

Marti Sharaf kala duwan ayaa kasoo Qayb galay Xaflada waxaana ay bogaadiyeen Dhamaantood masuulka hawshan fuliyay.

Aqoonyahan maxamed cabdi ogle oo ah masuulka saamiga ugu badan kuleh hotel SYL ayaa goobta kahadlay sheegayna in macaamiishii hore hotelka ay iminka dib u isticmaali karaan hotelka oo mudadii u dambaysay lagu hayey hawlo dib loogu dayac tirayo

Sido kale oogle ayaa sheegay in macaamiisha ay adeegyo kala duwan oo cusub ay soo kordhiyeen.

Waxaana uu carabka kudhiftay in hotelka macaamiishiisa uu u balan qaadayo in adeegyo tayo leh ay kaheli karaan hotelka waliba kuwa casri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here