Kullan ay soo qaban qaabiyeen xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu aruurinayo dhaqaale lagu bad baadiyo qoysaska abaarta saamaysey ayaa galabta lagu qabtay Hotel Jazeera ee magalada Muqdisho.

0
553

 

Waxaa kasoo qayb galay qaar ka mid ah murashaxiin madaxwayne, Xildhibaano, wasiiro, madax matalaysey ururadda siyaasada,guddiyadda iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.

1.Murashax madaxwaye Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa gurmadka qoysaska abaartu taabatay ugu deeqay 40-kun oo doolar (30-kun wuxuu baxshay maalmo ka hor).
2.Murashax madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa isagana baxshay 30-kun oo doolar.
3.Murashax madaxwayne Shiikh Shariif Axmad isaguna wuxuu baxshay 10-kun oo doolar.
4.murashax madaxwayne Cumar C/rashiid wuxuu baxshay 10-kun oo doolar.
5.Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaarina wuxuu baxshay 10-kun oo doolar.

Sidoo kale waxaa dhaqaale ku yaboohay xildhibaano goobta ku sugan,siyaasiyiin,wasiiro, ururadda siyaasada iyo mas’uuliyiin kale, qiyaasteyda galabta oo kaliya waxaa la aruuriyay lacag kor u dhaafaysa boqol kun oo doolar. Waxay muujinaysaa masuul iyo shicib sida looga wada damqaday heerka abaartu ay gaar siisey qoysaska Soomaaliyeed. Illaahey waxaan ka baryaynaa inuu abaaraha iyo biyo la’aanta naga dulqaado,cid kasta oo wax la baxdeyna uu abaalkooda janno uga dhiggo. Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here