Madaxwaynihii hore Puntland ahna murashax madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole ayaa yimi Muqdisho tan iyo markuu ku dhawaaqay murashax-nimadiisa.

0
584

Farole oo ka mid ah sidoo kale xubnaha aqalka sare kasoo galay Puntland ayaa war-fidiyeenka kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wuxuuna ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, Murashaxa sheegay inuu ka shaqayn doono haddii la doorto ammaanka, horumarka, midnimada ,cadaalada iyo Sinnnaanta, sidoo kale wuxuu hadalkiisa ku daray inuu xoogga saari doono isku xirnaanta iyo wada shaqeynta mamulada dalka iyo dowladda dhexe.

Waxaa la weydiiyay inuu laaluush bixin doonno si uu ku helo codad wuxuuna arrintaasiga kaga jawaabay inuusan doorashadan wax laaluush ah ku bixin doonin kii bixinaya uusan danta Soomaaliya ka shaqayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here