waxaa shalay garoonka caalamiga ah ee Cigaal Airport ee ku yaal magaalada Hargaysa lagu xiray, majaajilesyte Ajakis oo ka tirsan TV-ga caalamiga ah ee Universal TV. waxaa soo baxayo wara ku saabsan sababta loo xiray Ajakis. Agaasimaha Tv-ga Universal Xafiiska uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho cabdullaahi kulmiye Xersi oo Wareysi siiyay Radio Danan muqdisho ayaa sheegay in Ajakis loo xiray kaliya hadalada majaajilada ah ee uu kasoo daayo Unversal TV. Ma jirto wax kale oo danbi ah uu ka galay maamulka Soomaaliland oo aanan ka ahayn in si kajan ah uu usoo badhigo qaladaadka ay ku kacaan madaxda maamulka Soomaaliland.
Maamulka Soomalind ayaa caadis iyo caburin aan xad lahayn ku hayo saxafiyiinta iyo aqoonyahanada ku hadlo wax aysan jeclaysan. waxaa la xusuusta in muddo uu xirnaa geesiga cabdimaalin Coldoon oo soo badnhigay qiyaanada Itoobiya ay kula wareegayso dhulka Soomaaliyeed. sidoo kale dhawaan ayay ahayd marki shaqadi laga cayriray wariye u shaqaynayay TV-ga Horn Caple ee fadhiggisu yahay hargaysa wariyaas ayaa shaqadiisa ku waayay waraysi uu farmajo ka qaaday oo kaliya
Wali maxkamad lama keenin Ajakis lamana oga inta ay sii hayn doonan