Dowlada soomaaliya oo sheegtay Inay ku taageeri doonaan 3 malyuun oo dollar abaaraha ka jira dalka

0
599

Shirka jaraa’id oo ay maanta magaalada Cadaado ku qabteen wasiirka arrimaha
gudaha dawlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxwayne ku xigeenka dowlad
goboleedka Galmudug oo ay kaga hadleen xaaladaha abaaraha ka jira
deegaanada Galmudug ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa urururada bulshada.

Shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay reer miyiga gobolada Mudug iyo Galgaduud
in qaar badan oo ka mid ah xoolihii dhaafeen, haatana loo cabsi qabo
nolosha dadka, sida uu sheegay Diini Maxamed Diini oo ah Gudoomiyaha Daladda SOCENSA oo halkaasi kahadlay.

Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa
sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal sameeyeen una baahanyihiin taageero
caalami ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan
Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dawladu ay 3-milyan oo Doller ku taageerayso
hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka socdo.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda dadaalo ay wadaan bulshadu oo lagu
saacidayo dadka ay abaartu waxyeelaysan ee ku nool deegaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here