SOOMAALIYA OO AY KA JIRTO XAALAD BA’AN OO BINI’AADANNIMO {FAALLO+SAWIRRO}

0
970

Dalka Soomaaliya, oo dadkiisu ku tiirsan yahay xoolaha nool iyo beeraha ayaa la soo deristay dhibaato xooggan ka dib markii xilliyadii fasalka roobka ay ka baaqdeen, taasoo keentay inuu jiilaalku dheeraado xoolihiina ay waayaan biyo iyo baad.

Abaarta ayaa ku soo noqnoqotay soomaaliya ugu yaraan 3sano oo isku xigta.

Dalka malaha wax keyd cunto ah, ayadoo uu hoos u dhac weyn uu ku yimid guud ahaan wax soo saarkii dalagga beeraha.

Waxaa biyo yareeyay Webiyadiii Shabeelle iyo Jubba taasoo wehlisa isbeddel ku yimid Cimillada dunnida.

Soomaaliya waxaa ka dhaca fatahaad marna abaar, haatan ayaa abaar daran ay ku dhufatay gobollada Gal-gaduud, Sanaag Soomali-land, Punt-land, Koonfur galbeed, Gedo iyo mudug,

Waxaa gaabis ah mar kaasta gurmadka dadka lagu samata bixiyo marka ay abaari timaado, inkastoo dowladdu aysan haysan dhaqaale buuran waxaa gabay howshooda hay’adahii bini’aadannimada ee qarammada midoobay oo ay Soomaaliya ka mid tahay oo markasta jeediya baaq goordambe.

Taasoo xaaladda ka dhigta mid dib u dhac ukeenta gargaarka dadka tabaaleysan.

Soomaaliya ayaa ah dal qani ku ah kheyraadka badda iyo berrigaba balse, tan iyo intii gobannimada la qaatay marna si dhab ah looguma howlgelin ka faa’iideysiga shidaalka iyo macddanta dalka ku jira marka laga reebo beeeraha iyo kalluumeysiga waxaana soomaaliya lagu tilmaamaa dal barwaaqo iyo dad ka baahan.

Haatan waxaa le’day xoolo tiro badan oo isugu jira geel iyo ari iyo lo’. Dad badan ayaa haatan fara maran markii ay xoolihii dhaafeen kuwaasoo u soo hayaamay magaalooyinka qaarna ay joogaan duleedyada goobaha ay abaartu ku dhufaatay iyagoo la’ biyo iyo gabaad wacan.

Waxaa lagu qiyaasay 5.milyan oo ruux in ay saameysay abaarta oo u baahan gagaar degdeg ah.

Waxaa khatar macluul soo food saartay iminka dad badan oo maato ah iyadoo caruur badani ay la soo derseen cudurro.

Soomaaliya waxaa ku habsatay sannooyin badan col, cudur iyo abaar kadib markii ay dhallan rogmeen roobdoonkii Alle barigana la illaaway ay na ka tageen inay isu naxariistaan.

Bal ku qiyaas soomaali dal iyo dibadba inta joogta 30 milyan oo qof, haddii accounti la furo oo ruux kasta keliya $1 kushubo maxaad umaleyn lahayd, laakiin cidna kuma fikirin arrintaas.

Waxaa lagu mashquulay dhaqankii miyiga ee beel iyo qabiil, culimada qaar ayaa u tafaxeetay wacyigelin iyo dadaal markastoo abaari dhacdo iyo masiibo, bal ka waran dhinaca kale Masjidkii loo ordi jiray hadday kheylo ka soo yeerto, iyadoo ninkasta qumanihiisa qoorta ugu jiro culimadana firqooyinka u kala jabeen.

Waa waajib in leysku naxariistoi si Alle noogu naxariisto.

Weligaa ha ku mashquulin, hanti adduun, ogow waad ka dhiman ee wax hormarso hana ku kadsoomin adduunka.

Allow xaqa na tus, soomaalidda waxaan leeyahay xariggii Alle wada qabsada oo hakala tegina, waxaa hoogay ninkii ka leexday kitaabkii Alle sida uu yahay xaddiisul qudsi iyo sunnada nabiga SCW.

Inkastoo haatan lagu baaqay sideed boqol iyo lixdan iyo afar millyan dollar in lagu samata bixiyo dadka ay abaartu wax-yeeleysay haddana waa mid dib u dhac uu ku iman karo.

waxaa Waddammada Islaamka iyo carabta looga baahan yahay in kaalin ay ka qaataan abaarta ka jirta soomaaliya, qarammada midoobayna waa inay dedejiso wax ka qabashada baaqa loo soo jeediyay inta aysan arrintu faraha ka bixin, iyadoo haatan ay ceelashii gureen barkadihiina warkooda daa, xoolaha ayaa dhimanaya maalin kasta biyo la’aan awgeed, waxaa laga cabsi qabaa iminka dadka inay saameyso dhimashada haddii aan laga hortegin dhibaatada laga yaabo inay intaasi ka sii ballaarto.

Alloow Dadka maatada ah ee abaartu heyso u gargaar.

Fiiro Gaar ah:

Dadka ay xoolahu dhaafeen ha ogaadaan in ay yimaadeen dunnida iyagoo qaawan hantida Eebbe siiyana waa amaano laguugu imtixaanay, markaad heysato nimco Alle ku shukri, markay ku dhaaftana Alle ku shukri ee ha goynin naftaada waa xaaraane.

Qoraa Sare: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax).

Daawo Sawirrada Abaarta:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.