Dublamaasiga ugu sareeya maamulka Trump oo si dirqi ah ku soo baxay

0
890

Gudiga calaaqaadka dibadda u qaabilsan aqalka Senetka ee dalka Maraykanka ayaa u codeeyay in Rex Tillerson uu noqdo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka iyadoo ay aad isugu dhawaayeen dadka u codeeyay iyo kuwa ka soo horjeeday, inkastoo ay jiraan walaac laga qabo calaaqaadka ganacsi ee uu Ruushka la leeyahay.

Xisbi ahaan ayay u qaybsameen gudigu 11 xubnood ee xisbiga Jamhuurigu waxay u codeeyeen in Rex uu noqdo xoghaya arrimaha dibadda halka dhamaan 10 kii xubnood ee xisbiga Dimuqraadiguna ay ka soo horjeedsadeen. Codaynta kama dambaysta ahna waxaa u qaadi doona aqalka Senetka oo ay aqlabiyaddiisa haystaan xisbiga Jamhuurigu.

Arrintan ayaa mashquul u horseedi doonta maamulka cusub ee madaxwayne Donald Trump.

Arrimahaas horyaalana waxaa ka mid ah ka bixitaanka Maraykanka ee suuqa xorta ah ee ganacsiga ee TPP, taas qayb ka ahayd ol’olohoodii doorashada.

Madaxwayne Trump ayaana saxiixay ka bixitaanka suuqaas ay ku midaysnaayeen 12 dal isaga oo adeegsanaya awoodiisa. Suuqaas ayuuse Obama u arkayay mid aad muhiim ugu ah Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.