Daawo muuqaal: Faahfaahin ku saabsan qaraxii ka dhacay hotel Dayax

0
830

waxaa soo baxayso inay tiro ka badan 20 qof ay ku dinteen qaraxii saaka ka dhacay hoteel Dayax oo ku yaal magaalada Muqdishu. Hoteelka oo ku yaalo wadada Makka-Almukarama ee bartamaha Xamar ayaa markii hore lagu weeraray gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxo, kadibna waxaa hoteelka gudaha u galay koox shabaab ka tirsan. Intaas ka dib, waxaa bilowday imaashaha ciidamada amniga iyo booliska. waqtigaan ayaa hadana waxaa qarxay gaari kale oo yiilay wadada dhinaceeda oo loogu talagalay in lagu weeraro ciidamada gurmadka u yimid. ilo goobjoog ahaa ayaa sheegayo in weerarku ahaa mid aad u culus ay ku dhinteen dad kor u dhaafayo 20 qof oo qaarkood ay yihiin saxafiyiin. Qof u hadlay dowlada ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarki ayna si buuxdo gacanta ugu hayaan dhamaan huteelka. Wali si rasmi ah dowladu uma shaacin dadka dhintay tiro ahaan.

kala soco humbaale.com wixii soo kordho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.