Deg Deg: Markab hub ka buuxo oo lagu qabtay degakada kismaayo

0
964

DEG DEG:Markab Hub sida oo lagu qabtay Dekada Kismaayo.

Waxaa galabta dekadda magaalada #Kismaayo lagu qabtay markab lagu soo dhex qariyay shixnad hub ah.Markabkan oo urarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa markii laga dejiyay bagaashkii ganacsatada Soomaaliyeed la arkay inuu wado rar kale oo laga shakiyay aadna loo soo qariyay.

Shaqaalihii markabka ayaa lagu qasbay inay furaan rarka markabka saaran kadibna waxaa lagu arkay shixnad hub ah oo ka kooban bastoolado kaliya.

Humbaale News web  aya waxay ogaatay in markabku waday ilaa iyo 6 kun oo bastooladood oo kaartoomo kujiray.Wareysi lala yeeshay kabtankii Markabka oo u dhashay dalka Suuriya ayaa sheegay in shixnadan hubka ah ay usocotay dalka Sudan.Xog kale ayaa sheegaysa in hubkani kayimid Eritrea loona waday Sudan halka warar kale ay sheegayaan in shaqaalaha markabku sheegeen in hubkan dhexda laga soo saaray ilaa iyo hadana la garan la’yahay halka iyo jihada hubkan loo waday.

Markabka ayaa kasoo shiraacday Imaaraadka waxaana soo kiraysatay ganacsato Soomaaliyeed oo bagaashka ka beec mushtara.

Wixii war ah oo kasoo kordha markabka lagu hayo dekada magaalada Kismaayo kala soco wararkaanaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.