Maqaal.

0
926

Madaxweynahii ugu horeeyey ee dalka Ghana Kwame Nkrumah oo dalkaas ka talinayey Bishii July 1-dedii Sannadkii 1960-kii Ilaa Bishii February 24-kedii Sannadkii 1966-kii ahaana hogaamiye aad u aragti dheeraa oo jeclaa in khaarada afrika oo dhan ay midoobaan oo hal dawlad yeeshaan ayaa sannadihii lixdameeyadii mar uu ka hadlayey Musuq Maasuqa boqnaha gooyey khaarada afrika ee ay ku kacaan madaxda hogaamisa ayaa waxuu waqtigaas yiri sidan:

Afrika waxa ay halis ugu jirtaa Musuq Maasuq kaasi oo dhaawac weyn u geysanaya malaayiin dadka afrikaanka ah ee u halgamaya xornimo iyo cadaalad.

Waxaa wax laga xanuunsado ah in hadalka waqtigaas uu ka dhawaajiyey Madaxweyne Nkrumah mudo haatan 50 sano ka badan laga joogo in weli khaarada afrika madaxdeedu ay xadaan oo boobayaan xoolaha ummadda ka dhaxeeya waxaana warbixin ay soo saartey Qaramada Midoobey lagu sheegay in madaxda hogaamisa khaarada afrika ay sannad kasta boobaan oo xadaan lacag dhan Laba boqol oo Bilyan oo dolar.

Xatooyada dadka xoolahii ka dhaxeeyey la boobayo markaan eegno dalkeena hooyo ee Soomaaliya waxa ay soo taxneyd ilaa waqtigii ay dhalatey dawladii ugu horeysay sannadkii 1960-kii,kuwii ka dambeeyey ilaa dawlada haatan joogto waxaana xargaha uu goostey musuq maasuqa waxii ka dambeeyey bur burka dawladii kacaanka iyadoo sannadihii ugu dambeeyey soomaaliya lagu calaamadiyey in ay kaalinta koowaad kaga jirto dalka ugu musuq maasuq badan caalamka.

Ugu dambeyntii waxaa dhab ah in Soomaaliya ay u baahan tahay hogaan nadiif ka ah musuq maasuqa iyo ku dhaqanka qabyaalada labadaas cudur oo dadkeena iyo dalkeena ku noqdey aafo wadnaha jartey mustabal madowna inoo horseeday.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.