Dag dag: Alshabaab oo qabsaday xeeradii ciidamada kenya

0
701

waxaa saaka aroornimadii weerar culus lagu qaaday xero ay daganaayeen ciidamada militiriga kenya ee ku sugan Jubbada hoose. Weerar oo ay soo qaadeen xoogag ka tirsan shabaab ayaa ku bilowday labo gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay ka dibna waxaa xarunta dhinac walba kaga yimid ciidamo shabaab ka tirsan. dadka deegaanka kulbiyow ayaa sheegayo inay haatan xearad iyo dhamaan magaalada kulbiyow ay gacanta ku hayaan ciidamada shabaab iyadoon la ogayn ciidamadii kenya meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Af-hayeenka shabaab C/casiss abuu muscab ayaa sheegay inay xerada ku qabsadeen hub tiro badan iyo tiro gadiidka dagaalka ah. Abuu muscab ayaa intaas ku daray inay dileen 57 askari oo kinyatai ah. sidoo kale, goobjooge ayaa sheegay inuu arkay mayadad badan oo tuutaha kiinya ku labisan kuwaas oo ku qiyaasay ilaa 30 askari.

Dhinaca kale, afhayen u hadlay ciidamada kenya ayaa sheegay inaan wali xerada laga qabsan balse uu socdo iska caabin adag oo ay sameeyeen ciidamada kiinya.

Weerar ayaa imaanayo sanad ka dib markii ciidamada kiinya ee soomaliya ku sugan si daran loogu xasuuqay dagmada Ceelcadde iyo gobalka Gedo taasoo ku noqotay ciidamada kenya taariikh madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here