Keating oo u hanjabay madaxweynaha lasoo dooron doono

0
573

madaxa UN-ta uu qaabilsan araimaha Soomaaliya ayaa ka digay in laaluush loo isticmaalo helida codadka baarlamaanka. Micheal keating ayaa soo dhaweeyay shaqada gudiga doorashada iyo sida ay u socoto balse wuxuu ka digay in madaxwaynaha lagu doorto qaab musuqmaasuq. Keating ayaa sheegay inay beesha caalamku aysan marnaba la shaqayn doonin madaxweyne qaab qaldan ku yimid. waxaa intaas ku daray inay muhuum tahay in doorashadu u dhacdo qaab xor ah oo aysan ku jirin handadaad iyo musuqmaasuq.

waxaa la wada ogyahay in doorasho walba oo ka dhacdo soomaliya loo isticmaalo lacag lagu iibsado dadka codka leh. waxaan la ogayn sida ay ooga duwanaan doonto mida hadda la sugayo. sidoo kale waxaan cadayn awooda ay beeshu caalamku ku leedahay inay waxba kama jiraan ku tilmaanto qof helo codaka ugu badan ee xubnaha baarlamaanka qaabka rabo ha u maree.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here