Sawiro: madaxweyne axmed madoobe oo booqday isbitaalka weyn magaalada kismaayo

0
659

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa oo Axad ah 29 January waxaa uu booqday Isbitaalka Weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku jiraan dad badan oo bukaan ah isla markana ay xaaladooda la tacaalayaan Dhakhaatiirta ka hawlgala Isbitaalka Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Isbitaalku uu ka kooban yahay gaar ahaan qaybta gargaarka deg dega ah qaybta bukaan jiifka iyo qaybta Hooyada iyo Dhalaanka.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu tagay qaybta Adeeg bixinta, qaybta Daweynta Cudurka Jadeecada, iyo Qaybta Daweynta Xanuunka Shuban Biyoodka, oo uu ku booqday dadweyne farabadan oo la baxnaaninayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu halkaas kusoo arkay dad badan oo xaaladooda aan gudaha dalka waxba lagaga qaban karin kuwaas oo uu balan qaaday in dibada loo qaadi doono isla markana ay Dowladu damaanad qaadayso xaaladooda Caafimaad.

Dhakhaatiirta iyo Hawl wadeenada ka hawlagala Isbitaalka ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ku booriyay in shaqada ay umada u hayaan ay sii laban laaban isla markana ay shaqeeyaan wakhti walba oo munaasab ah si loogu gurmado dadka baahida Caafimad qaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here