Ciidanka dowlada federaalka somaliya qaybta Gobolka Gedo oo qaaday weerar lagu dilay taliyihii malayshiyada Alshabaab ee gedo.

0
666

Wararka ka imanaya degmada garbaheery ee xarunta gobolka gedo ayaa sheegaya in ciidanka xooga dalka somaliya qaybta gobolka gedo ay xalay weerareen fariisin Malayshiyaadka Alshabaab ay kulahaayeen deegaanka tuula barwaaqo oo qiyaastii dhinaca waqooyi 60 km uga beegan degmada garbahareey.

Ciidanka Aya weerarka qaaday xili habeen ah islamarkaana beegsaday fariisin malayshiyada Alshabaab halkaa ay kula haayeen.

Saraakiisha ciidanka weerarka qaaday hogaaminaysay ayaa sheegay in weerarka ay kudileen tiro askar ah oo katirsan Alshabaab
Waxaa kaloo saraakiishu ay sheegeen in weerarka lagu dilay horjoogihii Malayshiyada Alshabaab xaga ciidanka u qaabilsanaa gobolka gedo oo lagu sheegay magaciisa
C/llahi Qanaas.

Dhinaca kale ciidanka dowlada somaliya ayaa weerarkan qaaday kadib weerar gaadmo ahaa oo malayshiyadu kuqaaday habeeno ka hor xero ciidan oo kutaalay degmada baardhere.

Ugu dambayn saraakiisha oo aan waydiinay in uu jiro qasaaro xagooda kasoo gaaray weerarka ayaa sheegay in uu San jirin wax qasaaro ah oo dhankooda soo gaaray

Waxaa kaloo ay saraakiishu cadeeysay in uu San jirin qasaaro dadka degaanka soo gaaray maadaama goobta ay weerareen ay ahyd Xero ay daganaayeen dagaalamayaal katirsan malayshiyada Alshabaab.

Khadar maxamed filipin.

humbaale.com
Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here