Waa kuma sargaal ka la gu dilay Tuulo-barwaaqo?

0
990

Waa kuma sargaal ka la gu dilay Tuulo-barwaaqo?

Abdullahi Mohamed Wayrah waxa uu ku dhashay Degmada Beled Xaawo ee gobal Gedo, waxa uu ku biiray tarbabar ka qaatay urur kii Al- itaaxaad, eeka dhisnaa Gedo sagaashamaadkii, waxa uu ka qayb qaatay dagaalo badan oo dhex maray al itixaad, Somali national forces SNF iyo ciidamada Itoobiya oo is garabsanayo.

Burburkii heshiis kii al itixaad iyo SNF 1997 ayuu ku biiray ONLF oo kadagaalami jirtay Itoobiya gudaheeda sida ay dad ku dhawdhaw noo sheegeen lugu qabtay asogoo xirnaa mudo bada dalka Itoobiya ayaa laga soo daayay 2015 markaas oo uu si deg deg ah ugu biiray Alshabaab.
Qibrada military iyo geesinimo darteed waxaa uu ka mid noqday taliyayaasha alshabaab ee ugu cad cad looguna aqoon badan yahay Gobal ka Gedo asoo marar qaar daagaalada ka galo meelo kale oo soomalia ka mid.
Sida la sheego wuxuu ka tirsanaa ciidan si gaar ah u taba baran oo kolba la geeyo meela dagaal ka ugu daran ka jiro ee loo ga baahdo gurmad degdeg ah. Waxaa markii danbe uu ku wareegay oo taliye u noqday ciidamo qaas ah oo xuduuda Kenya iyo Gedo ka howl galo. Kuwaas lagu xasuusto dhacdadii Ceelcade, iyo midka horeysay oo ka dhacday Tuulo- barwaaqo taas uu ciidamada dowlada federal ka loo ga dilay kodhawaad 20 askari.

Abdullahi ayaa laga dhigay taliyay Alshaab ee Gedo kadib markii Ismail Jamhad oo xilkaas hayay ay dileen diyaaradaha aan duuliyahay laheyn ee maraykanka meel u ah Bardhere duleedkeeda bishii juun 2015. Abdullahi ayaa galay dagaalo u badan jid gooyo iyo gaadmo kaas wax yeelo u geystay ciidamad dowlada.
Qaab ka uu u dhacay dilkiisu ayaa ku cusub Gobal Gedo, in sarakiisha Alshabaab gaadin lagu dilo. Ciiidamad ayaa la tuhmayaa in ay habeen barkii ka bexaan sal dhigoodo ayadoon la ogeyn.
Aroortii ayay dadka Reer Tuulo barwaaqo ku waa bariisteen xabadaha lagu dilay talihaya, ayadoo ilaadadissana ay baxsadeen. Ciidankii dilayna ay ku laabteen saldhigoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here