Xukun Lagu riday Dhalinyaro Kufsi ka geystay Galdogob

0
580

Gudigii culimada ahaa ayaa waxaa ay fuliyeen xukunkii lagu ridey koox dhalinyaraa oo dhawaan labo gabdhood ku kufsadey degmada galdogob waxaana munaasabada xukunka lagu fulinayay joogay xeer ilaliyaha guud ee dowlada Puntland iyo xubno kamida golaha wasiirada.

Goobta sidoo kale xukunka lagu fuliyay waxaa si weyn amaankeeda u adkeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland,dhalinyarada la xukumay ayaa gaaraya tiro ahaa 5-dhainyaro waxaa ku jira wiil la dhashay Ex- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Hoos ka akhri sida xukunka u dhacay.

Shirwac Jamaac Juunle: 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ahYaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah
.Ayaanle wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah,.
Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah,
C/risaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig.

Waxaa la filiyay Jeedalka, waxaana fuliyay Ciidanka Dawladda Puntland
Waxaa sidoo kale lacago loo xukumay labada gabdhood ee la kufsaday iyadoona dhalinyarada la xukumay loo gudbiyay xubsiga magaalada garowe halkaasi oo ay kusoo dhamaysan karaan xukunka lagu fuliyay waxaana qaaday cutub kamida ciidanka ilaalada xabsiyada dowlada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here