Kolonyo Ciidamada AMISOM ay la socdeen oo qof Shacab ahaa ku dilay Shabeelaha Hoose.

0
615

Kolonyo Ciidamada AMISOM ay la socdeen oo qof Shacab ahaa ku dilay Shabeelaha Hoose.
Wararka laga helayo Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo ka ambabaxay Degmadaasi Afgooye kuna sii jeeday degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose in ay ku dileen duleedka Degmada Afgooye qof Shacab ahaa.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in qofkaasi Shacabka ahaa ay Rasaas ku fureen islamarkaana uu u Geeriyooday.

Mid ka mid ah Dadka deegaanka ayaana xafiiska humbaale ee muqdisho u xaqiijiyay in Kolonyada AMISOM toogashadaasi kadib ay meesha isaga dhaqaaqeen.

AMISOM ayaa dhibaatooyin joogta ah waxa ay ka geystaan qeybo kala duwan oo ka tirsan dalka , mana jirto cid kala Xisaabtanta.

Khadar maxamed
Maxamedk926 @gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here