Sir culus ] Sirdoonka Ethiopia oo warqadaha codeeynta xoog uga saxiixday Guddigga doorashadda Madaxweynaha Somalia.

0
880

Waagacusub.net – Saraakiisha Sirdoonka Ethiopia ayaa xalay si qasaba waxeey warqadaha codeeynta doorashadda Madaxweynaha Somalia uga saxiixdeen Gudoomiyaha guddigga doorashadda Cabdiraxman Beyle iyo xoghayaha guddigga sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo muhiima.
Sirdoonka Ethiopia oo la safan Musharax gaara ayaa sameeystay waraaqaha codeeynta kuwa aan laga aqoon waxeeyna dejiyeen qorshe ay doonayaan iney Xildhibaanadda ugu codeeyaan Musharaxa ay wataan.
Gudoomiyaha iyo xogheynta guddigga doorashadda Warqadaha laga saxiixay ayey Sirdoonka u qeybin doonaan subaxda 8 Feb 2017 Xildhibaanadda baarlamaanka Somalia kuwa ay xooga ku heeystaan.
Xildhibaanadda ayaa la qorsheeynayaa in mid walba lacag hormarisa la siiyo laakiin sharuuda waxeey tahay in Xildhibaan walba Warqadda loo dhiibo ku rido Sanduuqa sidoo kalena soo celiyo Warqadda ay guddigga doorashadda Somalia siiyaan isagoon meelna saxiixin ama tig saarin.
Warqadda Xildhibaanadda la siinaa waxaa loogu codeeyay ,lana calaamadeeyay Musharaxa ay Sirdoonka Ethiopia wataan ,halka uu kaga yaal magaciisa ,sidoo kale waxaa qasab looga saxiixay Gudoomiyaha guddigga doorashadda iyo xogheynta iyadoo loogu hanjabay dil haddii ay kashifaan arrintaas ama dacwad ka gudbiyaan.
Musharaxiinta tartamaya ayaan ka warqabin arrintaas, sidoo kalena Wakiiladda Metelaya Musharaxiinta haddii ay arkaan Warqadaha kama shakinayaan maxaa yeelay waxba kuma kala duwana.
Xildhibaanadda warqadaha loo dhiibay ee saxiixan lana calaamadeeyay ayey ku ridayaan Sanduuqa sidoo kalena Warqadaha la siiyay ayey jeebka gashanayaan.
Saraakiisha Ethiopia ayaa Xildhibaanadda qaar u sheegay ineysan ku laaban karin Ethiopia haddii ay ku guuldareeystaan inuu guuleeysto Musharaxa ay wataan.
Ninka lagu magacaabo Gabre ee Somalida u taqaan Jeneral Gabre ayaa ku eedeeysan inuu horey ugu fashilmay hoowlgalkii Cabdullahi Yusuf iyo doorashooyinkii xigay sidaas darteed waxaa loo taxaabi doonaa Xabsi haddii uu ku guuldareeysto inuu xilligaan Musharaxa Ethiopia rabaan ka dhigo Madaxweynaha Somalia.
Sikastaba ha ahaatee, Arrintaan waa halis lamana ogga waxeey Musharaxiinta iyo guddigga musuqmaasuqa ka yeeli doonaan.
By Dahir Alasow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.