keating Iyo ahmed madoobe oo kulmay

0
308

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating waxaana kulanka ku wehelinayay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Inta uu kulanku socday Danjire Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh isagoo ku booriyay in uu sii wado dadaalkiisa la xiriira Dhismaha Ciidamada iyo Xasilinta Deeganada Jubbaland oo uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku garab taagan tahay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay gacanta ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed isagoo ka codsaday in lala shaqeeyo Dowlada Cusub si ay dalka uga saarto marxalada uu hada ku jiro oo uu xusay in ay tahay mid cidhiidhi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here