Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo khamiis ah kulan qado ah la qaatay Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland.

0
371

Khamiis, February, 23, 2017

 

Kulankan oo bogaadin, dhiirigalin, iyo Talo, isugu jiray ayuu Madaxweynahu la qaatay Xildhibaanada isaga oo ku bogaadiyay hawshiii wanaagsanayd ee ay qabteen mudadii hawlaha doorashooyinku ay socdeen.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu wali taagan yahay mowqifkiisi ahaa in Xildhibaanadu ay ka shaqeeyan wax Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed dan u ah isla markana aysan ka fikirin masaaliix gaar ah.

wuxuu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ra”iisul Wasaaraha uu maanta magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya maadama ay Madaxweynaha iyagu kalsoonida siiyeen.

Dowladnimada soomaaliya ayuu xusay Madaxweynaha Jubbaland in ay iyaga gacantooda ku jirto oo hadii ay wax khaldaana ay dhumayso hadii ay dadaalana ay guulaysanayso.

Siyaasada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam sheegay in la joogo xiligii laga guuri lahaa nidaamka 4.5 oo loo jihaysan lahaa hananka Xisbiyada Badan oo Soomaaliya maanta muhiim u ah.

mar uu ka hadlayay Abaaraha, iyo xaalada amaan, ee dalka ayuu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dowladiisu ay tahay in ay xooga saaran balse hadii Xildhibaanadu ayna garab istaagin ay noqonayso hal bacaad lagu lisay,

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here