madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey ayaa galabta ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib booqasho saddex cisho qaadatay oo ay ku tageen boqortooyada Sacuudiga.
Farmaajo ayaa kulan la qaatay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin-C/casiis iyo madax kale oo ka tirsan dalkaas, iyagoo ka wada hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, amniga, wax ka qabashada abaaraha ka taagan Somalia iyo kuwo kale.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tagay Xaramka barakeysan halkaasoo uu ku soo cumreystay, waxaana isaga iyo wafdigiisa ay saaka soo gaareen magaalada Jeddah halkaasoo ay ka soo raaceen dayuuradii keentay Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka dayuuradaha loogu soo dhoweeyey si hoose oo ka bedelan safafkii dhaadheeraa ee ay soo dhoweyntiisa u geli jireen madaxda iyo xildhibaanada faraha badan, mana jirin wadooyin loo xiray intii uu ku soo jeeday xarunta Madaxtooyada.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu diiday iney soo dhoweeyaan madax fara badan oo saxmad ka dhigi jiray garoonka Aadan cadde, wuxuuna dalbaday in arintaas la joojiyo, isagoo xitaa diiday inuu salaan sharaf ka qaato ciidamada baambeyda Booliska.
Arrimahan ayaa waxay qeyb ka yihiin isbedelada laga filayo inuu la yimaado madaxweynaha Somalia oo maalmaha soo socda looga fadhiyo inuu raisul wasaaarihiisa cusub horgeeyo baarlamanka si loo ansixiyo.