Sawiro: gudiga abaaraha oo hagaaminayo faraajo

0
450

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa maanta oo Talaado ah February, 28, 2017 waxaa uu ka qayb galay Shirka heerka sare ee Gurmadka Abaaraha kaas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Shirkan waxaa shir Gudoomiyay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaana ka qayb galay Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Abaaraha dalka ka jira iyo sida ay ku bilawdeen isagoo xusay in Al-Shabaab ay curyaamiyeen Nolosha Bulshada meelaha ay joogan ku nool isla markana ay ka hor istaageen in kaalmo la gaarsiiyo.

Dhibaatada maanta jirta ayuu Madaxweynahu tilmaamay in lagaga bixi karo Dhismaha Ciidamada Soomaaliya iyo hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab in laga bilaabo meelaha ay macaluushu ka jirto si dadka halkaas ku nool kaalmo loo gaarsiiyo.

Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka ayuu sheegay in looga baahan yahay in arintaas si qoto dheer looga fikiro waxaana uu Saaxiibada Soomaaliya uga mahad celiyay kaalmadooda Soomaaliya.

#somalia

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here