DAACUUN KA DILAACAY DEGMADA GARBAHAAREEY.

0
460

 

Cudurka daacuun calooleedka ayaa ka dilaacay degmada Garbahaareey ee caasimada gobolka Gedo . ilaahada cudurku waxa uu soo ritay oo uuku dhacay 70qof oo u badan caruurta ka yar shanta sano waxaana ugeeriyooday 3caruur ah sida uu noo sheegay maamulaha isbitaalka Dr. Aadam Cabdulqaadir Xaashi.

Dadka xanuunkan uu ku dhacay ee isbitaalka la keenay waxa ay ubadan yihiin dad degan magaalada sidoo kale waxa jiro dad laga keenayo tuulooyinka, iyo deegaanada ku dhow dhow magalada sida: Iimeey, Tarmuumi, Fargeelleey, Doofaareey,Burcarro, iyo gooba kale.

Mar aan waydiiyey sababta cudurkan keenay Dr. Aadam Goomeey waxa uu iisheegay inay jiraan sababo fara badan oo keenay xanuunkan oo ay kamid yihiin:
1- Biyo yaraan kadib biyihii oo isbadalay midabkooda iyo dhadhankooda ayna noqdeen kuwo aan ku haboonayn in la isticmaalo .
2- Nadaafad darro ka jirto goobaha ay dagan yihiin Barakacayaal horay u daganaa duleedka magaalada iyo Dad fara badan oo kasoo barakacay baadiyaha kadib markii ay ku adkaatay noloshii miyiga oo dagay magaalada hareeraheeda oo aan haysan wax musqulo ah.
3- Bakhtiga xoolaha oo keenay nadaafad darro baahsan.
4- Heerkulka deeganka oo aad u siyaaday waqtiga lagu jiro oo ah waqtiyada ugu kulul iyo kulaylka abaarta.

Ugu danbayn waxan waydiiyey baahida hadda taagan ee ay qaban bukaanka xanuunka hayo Waxaa uu sheegay Dhakhtarka inay jirto daawo yaraan isbitaalka maadaamaa dadkaan u baahanyihiin daawooyin fara badan oo degdegah sida faleebooyinka lagu quudiyo dadka uu cudurkan ku dhaco, iyada oo daawooyinka noocaa ah ay gabaabsi yihiin, iyo guud ahaan daawooyinka nadaafada loo isticmaalo.

Waxaa laga laga codsanayaa dadka Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan caruurta walaalahood ah ee dhiban

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here