Poul Kagame oo ah madaxwaynaha dalka Rwanda isaga oo ka waramaya sida dalkiisa uu Uga soo saaray dagaalkii sokeeye iyo kala qaybsanaantii.
Wuxuu yiri go’aankii iigu dhibka badnaa aan qaato wuxuu ahaa markii qabiilkayga tuutsigu soo galleen magaalada kigali ee caasimada ah iyagoo doonaya inay ka Aargutaan qoomiyada huutuuga oo 500’000 kun oo qof ka dishay tuutsiga waxaan qaatay go’aan dhib oo badan oo haddii aan qaadan lahayn maanta
Rwanda aanay halkan joogteen, inaan qanciyo qabiilkayga oo Caro iyo ciil gaamuray qaba way adkayd inaan raalli ka noqdo inay Aargutaana way adkayd, wuxuu yiri waxaan ku dhahay haddii aad Aargutaan oo intii la idiinka dilay dishaan guul gaari maysaan oo idiina beri baa la idiin laynayaa hadii aad samirtaana Rwanda waxay noqon dal dowlad leh oo dadkiisu iscafiyey taariikh bayna idiin noqon ee talladayda maqlo oo hubka dhiga oo dib u heshiisiin aynu dadkeena ugu yeerno mahayn in jahmad 10sanno soo dagaalamaysay si Sahal go’aankaas iila qaataan laakiin waxay ku qanceen inaan cida dagaal guul ka gaari karin buu dhahay waana go’aan sabab u noqday in maanta dadka Rwanda iscafiyaan oo yeeshaan qaran aduunka subcad ku leh.
Waxaa kale oo uu yiri markuu ka hadlayey jedwalkiisa nolosha xilligaa adkaa Uga soo shaqayey dalkiisa wuxuu dhahay labo saac wax baan akhrin jiray sida boogta ay qoreen hogaamiyaashii guulaystay iyo macluumaadka aduunka ka jira, labo saac qoyskayga la qaadan jiray afar saac waa seexan jiray 16 saacna dalka u shaqayn jiray waqtigayna kuma lumin jirin inaan madax shisheeye la kulmo iyo inaan safaro badan dibada ku dhameeyo waqtiga ugu badan waxaan geli jiray sidii aan dalkaayga Uga soo saari lahaa colaadii sokeeye iyo kala qaybsanaantii dadka reer Rwanda. arrintaas oo ku tusay hogaamiyaha aragtida leh halka uu u socdo inuu yaqaan.
Ciidanka Rwanda sida uu ku dhisay isaga oo ka waramaya wuxuu yiri waxaa igu adkaatay sidii aan u dhihi lahaa ciidan qaran oo dalka oo dhan ka dhexeeya talliyihii aan magacaabo qabiilkiisa iyo jabhamdii dalka jiray buu ka soo buuxiyaa ciidanka waxaan go’aan ku gaaray inaan anigu gacantayda ku qoro ciidanka oo aan qabto shaqadii talliyaasha si aan u hello ciidan qaran oo Rwanda metella waan daryeelay waxaana tusay wadaniyada iyo inay Rwanda oo qaran ah ciidan ku noqon karaan falsafiyadaas bayna ku dhismeen ciidan Rwanda ee maanta ka mid kuwa Africa ugu subcada badan.
Mar kuu hadlayey sida reer Rwanda u heshiiyeen wuxuu dhahay sanno badan oo aan qoomiyado u kala qaybsanayn wadamo deris ah iyo kuwo shisheeye na kala taageeri jireen waxaanu oggaanay inaanay na hesheesiin karin ilaa aan annaku heshiino oo ogaano inaan annakoo Rwanda wada leh aan noqon karo qaran la mid ah kuwa na heshiisiinayey dadka iyakaa iscafiyey oo gartay nabada iyo dowladnimada sharafteeda ayuu yiri poul Kagame.
Dalka Rwanda ee maanta Africa ugu horumarsan oo caasimada wadankaas ee kigali ay tahay tan Africa ugu quruxda iyo nadaafada badan dhaqaalaha wadankaas sannadkasta kordho 8% oo ka mid ah wadamada Africa ugu amaanka iyo xasiloonida badan billicda iyo barwaada badan wuxuu heerkaas ku soo gaaray wuxuu hellay hogaan aragtidaas leh iyo shacab gartay iscafinta iyo wada noolaashu qiimaha uu leeyahay waxayna u dhaxashay nabada iyo barwaada ay maanta reer Rwanda ku naalloonayaan.
Waxaan uga socdaa ma garanwaynay inta ay reer Rwanda garteen weliba aan u midaysnayn sidaan u midaysanahay ee diinta, qoomiyada, dhaqanka iyo afka.
Rwanda labo Gu’ baynu xorriyada kaga horeeynay Sedex Gu’ baynu burburka kaga horreeynay balse hogaamiye karti iyo aragti leh bay helleen iyo Shicib iscafiyey taasna solansiisay inay innakoo burburka qarankeena ku foogan iyaguna dhismaha qarankooda ku foogaanaadaan.
Hogaamiye aragtidaas leh Soomaaliya ma hellin kartaa oo aan waqtigiisa safar diyaar la sii saarnaado iyo in shisheeyaha loo dhego nuglaado ku dhameeya waqtigiisa.
W/Q: Hamdaan Hiddig