TIJAABADII GUUSHA IYO RA’IISAL WASAARIHII HORE EE MALAYSIYA MAHATHIR BIN MAXAMED

0
1912

.
Dr. Mahathir bin Maxamed kaliya ma ahayn siyaasi ruug caddaa ah, laakiin waxa uu aha mufakir iyo qoraa waxaa uu leeyahay buug uu qoray, waxaanu lahaa aragti cad oo uu ka haystay halka uu rabo inuu gaarsiiyo waddankiisa.

Ra’iisal wasaare Dr. Mahathir markii uu xukunka la wareegay waxa u kasii ambaqaaday halkii ay joogtay Malaysiya, waxaana uu ku bilaabay inuu diraaseeyo oo uu baaro taariikhda horumarineed ee waddamada Aasiya, waxaana uu arkay in Japan ay tahay waddamada ugu horumar sarreeya iyada ayaanu tusaale ka dhigtay, isaga oo dhawr jeer caddeeyay in Japan ay tahay tusaalihiisa xaga horumarka.

Dr. Mahathir waxa uu arkay istaraatiijiyada ah in Japan oo kaalin sare kaga jirta xaga wax soo saarka wershahadaha caalamka iyo dhinac kasta oo wax soo saariseedba, Japan dhawr jeer ayaa waxsoo saarkeedu ka batay isku gaynta waddamada bariga Aasiya oo dhan, oo ay ku jirto Shiinaha waqtiyadii siddeetamaadkii, waxaana Japan ay ahayd tusaalihii dawladaha iyo dadyawga Aasiya ee xaga horumarka.

Hogaamiyahan, waxa uu ogaaday in siyaasadda Japan ee wax soosaaridu tahay inay soo saaraan ALAAB TAYO FIICAN OO QIIMO JABAN, taas oo ka caawisay inay ka suuq fiicnaato alaabta lagu sameeyo Yurub iyo Mareykanka ee qiimahoodu qaaliga yahay, waxaanay ku guulaysatay in ay qabsato suuqyada Aasiya iyo Africa, intaas waxaa dheeraa inuu raacay hab la diraaseeyay uu u raacay samaynta wershadaha, waxaanu helay dad ah hoggaamiyeyaal fiican oo la garab taagnaa hiil iyo hoo si uu horey ugu socdo dariiqa ama dhabahii horumarka.

Dr. Mahathir waxa uu xilka qabtay labaataneeyo sanno kadib markii waddankiisu lasoo noqday xorriyada, muddadaasna waxa uu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo dib u dhisid iyo tayayn ah, taas oo asaas u noqotay horumarkiisa, iyo tusaalaha uu Japan ka dhigtay oo u jeexday dariiq cad oo uu u maro horumarinta dalkiisa, taas oo uu taariikhda ku galay waddankiisana soo gaarsiiyey heer Malaysiya lagu turiyo mid ka mida dawladaha waxa soo saarka ugu badan leh caalamka sida mucjisada ahna u soo galay saaxadda horumarineed ee xag tiknoolajiyada iyo dhaqaalahaba.

Horumarka uu gaarsiiyey Malaysia ee la xusi karo:

Waxa hoos u dhacay heerkii faqriga ama saboolnimada oo ahaa 52% dalka Malaysiya sannadkii 1970-kii wax ka badan kala bar dadka waddankaasi waxay ahaayeen fuqaro, waxa uu gaarsiiyey 5% sannadkii 2002.dakhliga iyo dhaqaalaha soo gala mawaadinka Malaysiyaanka ah waxa uu ahaa 1247$ sannadkii 1970-kii waxa uu gaarsiiyey 8862$ sannadkii 2002, waxa hoos u dhacday shaqo la’aanta ilaa ay gaartay 3% kaliya.waxbarashada hoose, dhexe iyo sare, markii uu xilka qabtay malaysiya waxay lahayd 5 Jaamacadood, markii u ka dagay xilkana waxay ay gaareen 80 Jaamacadood oo 40 ka mid ah xukuumaddu leedahay.

Haddaba suurta gal ma tahay in ay madaxda soomaaliyeed ka faa’iidaystaan dariiqaas uu u maray Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Malaysiya Dr. Mahathir bin Maxamed horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa.?! Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Qalinkii: Mohamed Abdurazzak mohamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.