Aktarka caanka ah ee reer Mareykan Ben Stiller ayaa Barta Twitterka ka bilaabay Olole uu Turkish Airline kaga dalbanaayo in ay ku deeqaan hal diyaarad oo weyn oo qaada Cunto iyo Cabitaan si ay u gaarsiyaan Dadka Somaliya ku dhibaateeysan
Wuxuu Taageerayaashiisa ka codsaday in qof walba Cinwaakiisa uu soo dhigo Kalmadda (TuskishairlinehelpSomalia), waana dhacday oo malaayiin qofood ayaa campaign-ka ka qeyb qaadatay
Turkish Airline oo aragtay codsiyada loo soo gudbinaayo ayaa si rasmi ah Bogooda waxay kusoo qoreen (Waan jecelnahay Somaliya, waana aqbalnay in si Free aan ku qaadno Gargaarka Somaliya la geynaayo)
Fikirka lagu caawinayo Somalida abaarta ay heyso waxaa markii hore bilaabay Jeromme Jarre oo ah 26 jir u dhashay France
Hada Aktarka iyo Taageerayaahiisa ayaa 24 saac ee ugu dambeeysay Iska aruuriyay lacag dhan 833 Kun oo dollar si Diyaaradaas looga buuxiyo Cunto, Cabitaan, Dhar, Daawooyin iyo Gargaar kale.
Arintaan ayaa baraha bulshada qabsatay, Waxaana wali socda Ololaha Diyaarada lagu buuxinaayo
Diyaarad nooceeda uu yahay TK686 Turkish Airlines ayaa 10 maalin u qabatay actarka in uu Kusoo diyaariyo Gargaarka dhan 60 Kun oo tan, waana diyaarad aad u weyn oo qaadi karta Gargaar ka badan 5 Milyan oo Dollar.
27 bishaan ayaa lagu wadaa diyaaradaas oo sida Gargaar badan in ay soo cago dhigato Muqdisho.
Wallahi Alle dartiis ayaan arintaan ugu farxay, Dad aan Somali ahayn ayaa damqaday oo u istaagay in ay gargaar u fidiyaan Walaalaheen dhibaateeysan
Please hadii aad ka damqaneeyso Somalida abaarta heyso u duceey dadka Ololahaan wado in alle uu u fududeeyo si Loo caawiyo Walaalaha Abaarta ay dilootay
Allow u fududeey aamin yaa rabbi ??
Waxaa qoray: Idiris Abdulkadir