hasan kheyre oo wada cusub maanta xariga ka jaray

0
663

Wado laami ah oo isku xri doonto Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdi Casiis oo ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa waxaa Maanta Xariga ka jaray Raysal Wasaaraha Dowlada Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Wadadan Maanta xariga ka jaray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in dib u dhiskeeda ka qeyb qaateen Ganacsato Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana wadan hada dib loo dhisay horey u aheed mid bur bursan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa magaca ka badalay wadadan cusub ee dib u dhiska lagu sameeyay oo horey loo oran jiray Bandar qaasim, waxaana wadadaan hada loo bixiyay magac cusub oo ah Kadare.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa inta badan lagu sameeyay dib u dhis , waxaana la saaray laamiyo cusub oo qeyb weyn ka qaatay bilic soo celinta Caasimada, waxaana wali harsan oon laami la saarin Wadada 30-ka iyo Wadooyin kale oo kuyaala Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxa inta badan Wadooyinka ka muuqdo dib dhis balaran waxaana sido kale jiro wadooyinka qaar oo u bahan in la dhiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here