Daawo Sawirada: Golaha Wasiirada cusub oo goordhaw lagu dhaariyay Xarunta golaha Shacabka

0
1028

————————————————————————————
Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw lagu dhaariyay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kadib markii ay si buuxda u heleen codka kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirada helay Codka Kalsoonida waxaa dhaariyay Gudoomiyaha Maxakmada sare ee dalka Abuukaate Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa ayna wasiirada ku dhaarteen in dalkooda dadkooda iyo diintooda ay si daacad ah wax ugu qaban doonaan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo golihiisa Wasiirada ee helay codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa la filayaa in dhawaan la yimaadaan waxqabad muuqda, waxaana Wasiiradan soo dhaweyay kuna farxay shacabka Soomaaliyeed in ay heleen Codka kalsoonida.

Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan si rasmi ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana Golaha Wasiirada cusub looga fadhiyaa in ay la yimaadaan waxqabad muuqda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.