CIIRTAADA DHAME AYAA CEYDAADA YAQAANA

0
530

 

Waxaa maalmahaan aad u dhex socday baraha bulshada iyo boggaga af soomaaliga ku hadla in ay jiraan koox isku magacoowday “Is beddel doon”. Waxaa kooxdan ka mid ah xildhibaanno, hore, wasiirro hore, siyaasiyiin, Xildhibaaanno federaal ah iyo xildhibaanno Jubbaland ah. Kooxahan waxay dhammaan qariyeen magcayadoooda oo waxay Facebook ku soo galaan magacyo magaalo ama gobol ama magacyo qalaad. Laakiin marka ay makhaaxiyaha joogaan iyo goobaha ay ku qayilaan isma qariyaan oo cod dheer ayay ku hadlaan. Laakiin waa marka ay kaligood isla joogaan ama ay shacab aan siyaasad waxba ka ogayn la joogaan.

Haddaba waxaan go’aansaday inaan wax yar ka iraahdo waxa ay yihiin kooxahan humbaalayna. Laakiin inta aanan iyaga wax ka odhan Waxaan doonayaa inaan wax yar ka tilmaamo Madaxwayne Axmed-madoobe.

Madaxwayne Axmed-madoobe waxaan ku tilmaamayaa 4 qodob oo uu shaqsiyan yahay:-

1- Nin Culumo ah: Waa Sheekh bartay diinta islaamka. Waxaana dhalay Sheekh Maxamed Islaan kaas oo Sheekh ka ahaa gobolka Qorraxeey oo uunka soo jeedo iyo gobolka Galguduud, waliba aad iyo aad ayaa looga yaqaan gobolkaas. Taasina waxay keentay inuu Axmed-madoobe la soo koro oo la cayaaro lana macaamilo dad iyo degaan aysan isku qabiil ahayn. ,
Marka taas laga soo tago waxaa uga horreeysay in uu Madaxwayne Axmed-madoobe ka soo jeedaa qoys dariiqo ah oo wuxuu kusoo barbaaray dariiqo wadaagta mabaadii diineed ee aan wadaagin mabaadii qabiil. Waxaa ehel iyo xigaalo u ah dhammaan dadka dariiqadaas ka midka ahaa. Taasina waxay keentay in uu si siman ula wada dhaqmo dadka uu xukumo iyo kuwa uu la macaamilaayo.

2- Jabhad: Madaxwayne Axmed-madoobe wuxuu ka mid ahaa ururkii islaamiga ahaa ee hubaysnaa ee Al-itixaad Al-islaami. Gadaalkiina markii uu Itixaadkuu burburay wuxuu ahaa raggii sameeyay jabahddii islaamiga ahayd ee Raaskaambooni. Kadibna wuxuu ku jiray Isbahaysigii Maxkamadaha islaamiga ah ee hoggaamiye kooxeedyadii ka saaray koonfurta Soomaaliya. Ugu danbeeyntiina wuxuu Jubbaland ka qabsaday Al-shabaab oo xilligaas aad ugu xoog waynaa koonfurta Soomaaliya.

Haddaba jabhadayntaas waxay bartay Madaxwayne Axmed-madoobe inuu la macaamilo dad degaan iyo dhalayaba ku kala duwan. Waxay kaloo bartay sabir, dulqaad, adkaysi, geesinimo, colaad, nabad iyo cabsiba. Hoggaamiyaha xilouga colaadda iyo rafaadka wuxuu noqonayaa hoggaamiye wax badan ka tari kara xilliga nabadda.

Jabahdeyntii Madaxwayne Axmed-madoobe waxay wax badan ka tartay inuu nabad iyo ammaan ka dhigo magaalo madaxda ku meel gaarka ah ee Jubbaland, ahna magaalada ugu wayn magaalooyinka Jubbaland. Wuxyymku guulaystay in qabiil kastaa oo jubbaland dega ama aan degin inay meeshay doonaan ka degaan waxay rabaan ee shaqo ama ganacsi ahna ka qabsadaan iyagoo aan cidna magan u ahayn.

3-Ganacsade: Madaxwayne Axmed-madoobe wuxuu ahaa ganacsade wax badan dagaalkii sokeeye ka hor iyo kadibba. Wuxuu waliba aad u soo caan baxay markii uu usoo wareegay degmada Raaskaambooni oo uu ka ahaan kaalluumaysato dhoofiya kalluunka noocyadiisa kala duwan iyo aargoosatada. Waxa aannu wada ognahay ninka ganacsatada ah inuu xiir dhow iyo mid dheerba la yeelanaayo soomaali kala duwan iyo waliba shisheeye ay wax kala gataan. Taasina waxay u keentay inuu yeesho kartid oo kula xiriiro dad kala duwan iyo waliba macaamil wanaag, taas oo asal u ah ganacsadaha. Waxay kaloo u keentay inuu aamino oo hanti badan iyo maamulba uu u dhiibto dad aysan hayb iyo hilboba wadaagin.

4-Suldaanimo: Madaxwayne Axmed-madoobe wuxuu jifo hoose u yahay suldaanka Aji ee Waamo iyo Jubbaland. Qoyska saldanaha haya ee uu Madaxwayne Axned-madoobe ka dhashay waa qoys tiro iyo tayaba leh, waana qoyska saldanada Kuumade haya galbeed iyo waamaba. Marka haddii saldanadii iyo laandheerenimadii ay labdiiba ku kulantay waxay u keentay inuu yeesho dul uu dadka ku qaado iyo inuu dadka ku hoggaamiyo caddaalad qaytana u simo. Waxay kaloo u keentay inuu wixii nacfi lehba uu iska fogeeyo oo uu siiyo dadka kale ee ay u hayaan saldanada ee aan jifo ahaan ku soo dhowayn. Arrintan waxaa horay u sameeyay Rabbi ha u naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali-Sonkor oo saddexdii kursi ee Maxamed Subeer aan siinin jifadiisa ee u kala qaybiyay Maxamed Subeerka kale.

Haddaba afartaas qodob ee aan soo sheegay ayaa sabab u noqtotay inuu Madaxwayne Axmed-madoobe ka fogeeyo jifadiisa dheefta iyo macaanka laga helay Jubbaland. (Hadda ogoow kuwa ugu dhimashada badanna waa jifada uu isagu ka dhashay). Wuxuu ku dedaalay inuu qanciyo qabiilada kale ee aan jifo ahaan u soo dhowayn, taas ayaana keentay in ay jifadiisa waayaan xubin baarlamaanka jubbaland ah iyo mid federaalka ahba. Waxay kaloo waayeen golaha wasiiradda jubbaland iyo heer federaal. Waxay kaloo waayeen taliyeyaasha ciidanka Jubbaland mid federaalna warkoodaba daa.

Haddaba taasi waxay keentay inay kor iyo hoosba ugu hadlaan jifada uu ka dhashay oo ay ka cawdaab Madaxwayne Axmed-madoobe. Kuwaas cabashada sheeganaya waxay hilmaamin 4 taas dhaqan ee uu leeyahay Madaxwayne Axmed-madoobe inaysan suurto gal u ahayn inuu jifo iyo qaraabo ku fikiro. Sababtoo ah hoggaamin bulsho iyo jifaysi meel ma wada galaan. Ninka isaga oo kale ahna ee kulansaday afartaas dhaqan kamaba suurtoowdo inuu jifo wax ku qaybiyo.

Haddaan Intaas kaga haro sifooyinka shaqsiyadeed ee Madaxwayne Axmed- madoobe bal aan usoo daadego qolyana la baxay “Isbaddal doonka”. Qolyahan dhammaan waa kuwii qaatay wax kastaa oo dheef iyo magac ahaa ee Jubbaland laga helay. Waana kuwa ay kaga dhibteen dadkii ugu yaraa ee usoo halgamay xorreynta jubbaland. Waa kuwa lagu qanciyay inay qaataan jagooyin iyo lacag aysan xaq u lahayn. Waxaa wax lala yaabo ah in iyagii xaqdarrada wax ku qaatay ay maanta qaylinayaan oo kuwii dhiiggooda soo hurayna ay wax ku waayeen uun Madaxwayne Axmed- madoobe ayaad jifo u tihiin.
Hadda ogoow kuwii la qadiyay ee dadnimo iyo kartiba u lahaa inay xilalkaas qabtaan ee wax ku waayeen uun Madaxwayne Axmed- madoobe ayaad jifo u tihiin wax hadal ah lagama maqlo, mana mucaaradaan jubbaland iyo Axmed-madoobe midna.

Haddaba ninka moodaaya in Juubaland lagu hantiyay hoteelada Nairobi Xamar oo laga soo humbaaleeyo. Adeer waad khaldantahay ee waxaa lagu soo helay muruq iyo dhiigg rageed.

Gedo Kismaayo iyo Luuq, guriga Kaambooni
Gumac iyo rasaas baan ku helay gobalaydaydaase
Kumaan hanan gadhkoo aan qabtiyo gacan nasteexadee
Cidna ima gargaarinee Rabbaa hiishamiimgalayee.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa raggaas hoosta ka guuxaaya way fiicantahay in aad isbaddal la doono. Midna ogaada haddii ay wax isbaddalayaan annaga waannu u baahanahay oo waxaannu leenahya Madaxwayne Axmed- madoobe xaqanaga jifo ahaan yuusan nagu dhaafin. Idinkana waxaan idin leeyahay Madaxwayne Axmed-madoobe wuxuu idin siiyay wax aydaan xaq u lahayn Laakiin horay ayay soomaalidu ugu maahmaahday “CIIRTAADA DHAME AYAA CEEYDAADA YAQAAN”

By Pro Mohamed Deeq #Haldha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here