Hay’ada Himilo Trust oo deeq lacageed gaarsiisay….

0
515

Hay’ada Himilo Trust oo fadhigeedu yahay dalka ingiriiska ayaa deeq lacageed ku wareejisay gudiga gurmadka abaaraha ee dagmada Garbahaareey. Lacagtan ay soo dirtay Himilo ayaa loogu talo galay in lagu caawiyo dad abaaruhu saameeyeen ee ku nool Garbahaareey iyo nawaaxigeeda. lacagtaan ayaa loo kala qaybin doonaa biyo dhaamin loo samaynayo dadka dagan miyiga ku xeeran Garbahaareey kuwasoo dhibka ugu weyn ee haysto uu yahay biyo la’aan; iyo raashin loo qaybin doono dadka kasoo barakacay miyiga ee dhawaan soo gaaray dagmada.

Gudiga abaaraha oo hadal kooban jeediyay ka dib markii ay gudoomeen lacagta, ayaa sheegay in kaalmada Himilo kusoo aaday waqti loo baahnaa. sidoo kale  gudiga ayaa codsaday in lasii wado kaalmada iyo gurmadka loo samaynayo dad ka ree miyiga ah ee sida ku xoolo beelay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya. hoos ka daawo muqaal

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here