Ra’isul Wasaare kuxigeenka Turkiga oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

0
602

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Turkiga oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak .

Wafdigan waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo masuuliyiin kale katirsan Dowlada Soomaaliya.

Waxaa la filayaa Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga iyo wafdiga la socda in ay la kulmaan Madaxda sare ee dalka ayna kala hadlaan xariirka labada dowladood iyo sidii ay dowlada Turkiga gacan uga geesan laheed abaaraha ka jira Soomaaliya.

Ujeedka Socdaalka Ra’isul Wasaaraha Turkiga ku yimid magaalada Muqdisho ayaa salka ku heysa u kuur gelida abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo dowlada Trukiga u kordhin laheed howlaha loogu gurmanayo dadka ay saameesay abaarta Soomaaliya ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here