Wariye Hanad Cali Guuleed oo shalay ay Afduubteen Kooxo hubeysan ayaa laga helay degmada Afgooye isaga oo lugaha iyo gacamaha ka xiran jirdilna uu ka muuqdo.
Wariyaha ayaa laga helay Beer ku taalla meel u dhow degmada Afgooye.
Mas’uuliyiin ka tirsan Idaacadda Goobjoog ayaa Risaala u xaqiijiyay in Ciidamada Ammaanka ee degmada Afgooye ay wariyaha soo qaadeen.
Wariye Hanad ayaa shalay Waxaa Afduubteen Kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan.