Madaxweyne Farmaajo Oo Diiday Heshiisyaddii Imiraadka Ee Puntland Iyo Somaliland By Haabil Abdi Haybe

0
522

Madaxweyne Farmaajo oo xiniinyhiisa miiska saartay diidayna inuu aqbalo heshiisyadii hore ay ulagashay UAE Somalia ee berbera &bosaso. Labada qodob ee laysku mariwaayey oo ah:

1-In heshiisyadii dib loosoo bilaabo oo UAE iyo Soomaaliya iyagoo laba dawladood oo siman ay heshiis isu cuntama oo shuruudo ucuntama Somalia ay isla saxiixdaan oo lays ixtiraamo.
2-In Dp world iyo P&O ay si toosa uhoos yimaadaan wasaarada dekedaha Somalia si dakhliga iyo maalgalintaba ay ugaadho shacabka xaqa uleh ee Somaliyeed oo aanay gacanta ugalin shakhsiyaad ama qoysas.

Waana laysku mari la’yahay sabatana waa UAE oo wada siyaasad kala furfurida midnimada iyo jiritaanka umadnimo ee Somalia si ay uga faa’idaysato gobolo aanay dawladna u aqoonsanayn lana gorgortami karin oo say doonaan kayeelikaraan taasoo madaxweyne maxamed cabdullahi Farmaajo diiday.

Waxa muhiima in qofkasta uu fahmo faaidada dawladnimada la aqoonsanyahay ee ilaalinkarta xuquuqda muwaadininta,shaqaalaha,iyo dhulka,badaha iyo hawadaba taasaana muhiima in shuruucdacaalamiga ah la waafujiyo taas weeye tay diidan yihiin UAE kuwa heshiisyada lagalay shuruucda caalamiga ma fahamsana xaqooda koowaad oo ah inay shuruutamaan xitaa way ka talaabsadeen tusaale somaliland haday shardiga ugu horeeya kadhigi lahaayeen laba dawladood oo siman aan u heshiino oon is aqoonsano xitaa wax weyn bay ahaan lahayd UAE ma aqoonsanayso somaliland maxay tahay somaliland danta ugu jirta.

W.Q Haabil Abdi Haybe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here