Ra’isul wasaare Kheyre & Madax kale oo booqasho xiise gaar ah laheyd ku tegay xeebta Liido

0
595

============================================
Ra’isul Wasaaraha xukuumada federaalka Somalia Xasan Cali Khayre oo ay wehliyeen guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo wasiiro ka tirsan xukuumada ayaa booqday xeebto Liido ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta uu horkacayey raisul wasaaraha ayaa lug ku maray xeebta liido iyagoo dhex galay shacabkii halkaas ku sugnaa.

Raisul wasaaraha ayaa dhex galay koox dhalinyaro badda ku dabaalaneysay oo ku soo xoomay, waxaana la arkayey isagoo mid mid ula sheekeysanaya dhalinyarada halkaas joogtay lana wadaagaya sheeko iy qosol.

Dadweynaha ku soo xoomay ra’isul wasaaraha ayaa xiiseynayey la kulankiisa, isagoo qof kasta si laab furan ula sheekeysanayey una soo dhoweynayey.

Sarkaalka tirsan xafiska raisul wasaaraha ayaa sheegay in booqashadan ujeedadeedu tahay sidii madaxda Qaranku u dhex geli lahaayeen bulshadooda, xaaladooda hoosena uga wareysan lahaayeen iyadoo aysan cidna dhexdooda ku jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here