Daawo Sawirada :Booqashadii R/Wasaare Kheyre ku tagay Dayniile iyo Waxyaabihii uu kusoo arkay

0
755


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre , Wasiiro kairsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano, Taliyaal ciidan iyo Masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay booqasho ku tagay Degmada Dayniile..

Xasan Cali Kheyre ayaa booqashada uu ku tagay Degmada Dayniile aheed mid uu ugu kuur galayay xaalada amni ee Degmadaasi iyo sidoo kale kor meer uu ku ogaanayay nolosha dad kasoo barakacay abaaraha dalka ka jira ee kusugan xero kutaala Degmada Dayniile.

Booqashadan R/Wasaaraha ku tegay Degmada Dayniile ayaa qayb ka ah dadaalada uu Ra’iisul Wasaaraha xilliyadii ugu danbeeyey kor ugu qaadayey shaqooyinka dawladda iyo adeegyada loo fidiyo dadweynaha Soomaaliyeed.

Goobaha uu sida gaarka ah u booqday R/Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ahaa xarunta Degmada Dayniile, Hotelka Tropical Village ee kuyaala Dayniile iyo goobo kale, waxa uuna R/Wasaaraha warbixino kala duwan ka dhageestay mamaulka Degmada Dayniile.

Degmada Dayniile ayaa sidoo kale shalay lagu qabtay Shir Xasaasi ah oo looga hadlayay amaanka , waxaana shirkan shir gudoon ka ahaa R/Wasaaraha , waxaana ka qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia ay ku jiraan, Wasiirada Gaashaandhiga, Amniga iyo Warfaafinta iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Dayniile intii uu ku sugnaa goob joog ka noqday goob raashin loogu qeybinayay dadka tabaalaysan ee ku nool degmada Dayniile, waxaana deeqdan Raashinka ah ku deeqday dowlada Imaaraatka Carabta.

Xasan Cali Kheyre ayaa intii Dayniile uu joogay soo arkay bur burka xoogan ee ka muuqda Saldhiga booliiska Degmadaasi, Laamiga dhax mara Degamada iyo sidoo kale waxaa uu soo arkay amaanka la isku haleen karo ee ka jira Degmadaasi.

Degmada Dayniile ayaa kamid ah Degmooyinka ugu nabdoon ee kuyaala magaalada Muqdisho , waxaana degmadan dhawaan booqashooyin kala duwan ku tagay Madax katirsan dowlada ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here