ALshabaab oo dagaal culus kula wareegay degaanka gofguduud

0
464

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in maleeshiyada Ururka Al Shabaab ay saakay dagaal culus ku soo qaadeen deegaanka Goofgaduud, oo 26km dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Baydhabo.

Shabaabka, ayaa dagaal culus kula wareegay xerada Ciidamada Militariga Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaankaasi, iyagoo sidoo kale ku qabsaday laba ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Dad fara ku tiris ah oo ku haray Goofgaduud, ayaa sheegay in Ciidamadii Militariga ee xerada ku sugnaa, ay ku firxadeen dagaalka, taasina ay maleeshiyada Al Shabaab ka caawisay qabsashada xeradaasi.

Ciidan gurmad ahaa oo ka amba baxay Magaalada Baydhabo, ayay Shabaabku qarax kula eegteen wadada xiriirisa Baydhabo iyo Goofgaduud, iyagoo halkaasi ku gubay gaari dagaal, halka shan askarina ay ku dileen.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in abaabul xoogan ay Saraakiisha Ciidamada ka wadaan Magaalada Baydhabo, si mintidiinta dib looga riixo Goofgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here