MD:farmaajo,sharif xasan,cosoble iyo xaaf oo maanta iska raacay mogdishu

0
538

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehlinayaan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta u amba baxay Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.

Madaxda Maanta Nairobi aaday ayaa waxaa ay Magaaladaas ka sii mari doonaan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Waxaana Madaxda ay halkaas ka wada aadi doonaan Magaalada London oo 11 Bishan lagu qabanayo Shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya kaas oo Madax kale oo ka tirsan wadamada saaxiibada la ah soomaaliya ay ka soo qeyb geli doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir u shir guddoomin doona shirka Magaalada London ka dhacaya Maalinta khamiista oo ah 11 Bisha May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here