Somaliland oo walwal ka qabta in cunaqabateenka hubka laga qaado somalia

0
523

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wal wal xoogan ay ka qabaan shirka magaaladda London ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in shirkaas aysan ka qeyb gali doonin, isla markaana aanan lagu casuumin laakiin ay ku baaqayaan in laga soo saaro go’aano wax ku ool u ah dadka Soomaaliyeed.

Laakiin Wasiirka ayaa sheegay in wal walkooda uu yahay in Beesha caalamka ay gaarto go’aan ah in cunaqabteynta hubka laga qaado Soomaaliya taas oo uu tilmaamay mid halis ku ah somaliland

Wasiirka ayaa tilmaamay in dhanka kale ay wal wal kaqabaan in dowlada Soomaaliya ayne  fara gelin ku hayso deegaanada Somaliland gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo ay ciidamo ka qorayaan.

Hadalka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili 11-ka bishaan magaaladda London uu ka dhici doono shirweyne looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here