Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta kaga dhoofay magaalada Muqdisho, waxaana uu aaday dalka Qadar.
Ra’iisal Wasaaraha waxa uu ka qayb galayaa shirka Qatar Forum ee ka dhacay magaalada Doxa, halkaas oo ay isugu imanayaan madax badan oo ka socota caalamka.
Madaxda dalka Qadar ayaa la filayaa in uu la kulmo kana wada hadlaan arrimaha dhaqaalaha, xiriirka iyo taageerada Qadar ee arrimaha bani’adamnimada ka jirta Somaliya.
Shirka uu ka qayb gelayo Ra’isal wasaaraha ayaa furmaya maalinta berri ah ee 14-ka May waxaana uu dhamaanayaa 15-ka May.
Shirkan waxaa xoogga lagu saarayo dhaqaalaha,maalgashiga,amniga iyo xiriirka Waddamada Bariga dhexe,sidoo kale waxaa ka qeyb gelaya Barayaal sar-sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha ugu waaweyn Caalamka waxaana ay ka jeedin doonaan hadallo la xiriira xasilinta Siyaasadda Caalamka